Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweyne Gur Guurte Oo Kulamo La Qaatay Madax Ka Tirsan Jaaliyada Somalida Ee Masar

0
565

Xasan Sh. Max’uud Gur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ah u joogao magaaladda Qaahira ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar Gaar Ahaan Magaalada Qaahira.

Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibaddaiyo Iskaashiga Caalamiga, Marwadda Madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, iyo Wasiirul dowalaha Arimiha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa ka qeyb galay xafladda lagula kulmay jaaliyadda Soomaalida Ee Masar.

Mudane Gur Guurte Madaxweynaha Somalia ayaa jaaliyadda ku wargeliyay in Soomaaliaya ay hadda dib ugu soo noqoneyso wadaddii toosneyd, loogana baahan-yahay in jaaliyadda dibadda ay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka Somalia.

Madaxweynaha ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha cusub oo ay dowladda ka damacsantahay in ay dalka xasilooni ugu soo celiso, kaas oo ku xusan qoraalka“Lixda Tiir Siyaasadeed” Oo Ay Hormuud U Yihin dowladda, amniga iyo cadaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maalmo Ka Hor la kulmay jaaliyadda London, sidoo kalena kula dar-daarmay in ay dalka maal-gelin ku sameeyaan.