Xasan Sheekh Max’ud Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana War Bixiyey Socdaal Uu Ku Soo Maray Qeybo Ka Tirsan Caalamka.

0
481

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safarro shaqo oo uu ku tagay dalal caalamka Ka Tirsan.

Xasan Sh. Iyo Wafdigiisa ayaa waxey kasoo degeen duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay garoonka kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Ra’iisul Wazaaraha Somalia

Markii uu Madaxweynaha kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Ee Aadan Cadde kadib Ayaa Waxa Uu la hadlay saxaafadda isagoona tilmaamay in safarkan uu ku tagay dalal caalamka ka tirsan oo uu kalasoo hadlay xiriirka ay Soomaaliya la yeelanayaan iyo sidaay u taageeri lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Sidoo Kale tilmaamay in dalalkii uu tagay uu kusoo arkay waxyaabo lagu farxo oo ah sida ay Soomaaliya ugu heelan yihiin caalamka xiligan La Taagan Yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Wufuuda Oo Uu Horkacayey ayaa safar shaqo ku kala tegeen dalalka Ethiopia, Belgium,Uk iyo Qaahira halkaasi oo uu madaxweynuhu kaga qeybgalay shirar kala duwan kuwaasi oo Soomaaliya qodobbo quseeyo looga hadlayey.