Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nur ayaa ku dhawaaqay in la laalay soo jeedin la xiriirtay la-xisaabtanka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aanka lagu laalay soo jeedinta uu ka dambeeyay kadib markii la hubiyay saxiixyada xildhibaanada ku lifaaqnaa qoraalka soo jeedinta, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanadii magacyadooda iyo saxiixyadooda lagu xusay ay sheegeen inaysan qeyb ka ahayn soo jeedinta.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qodobka 75-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu dhigayo in soo jeedin noocan ah ay noqoto mid qoraal ah oo ay saxiixaan tirada xildhibaanada uu xeerku dhigayo, isla markaana Guddoonka Golaha uu xaq u leeyahay inuu soo celiyo soo jeedin aan waafaqsanayn xeer-hoosaadka.
“Markuu hubiyay habraacyada iyo sax ahaanshaha saxiixyada ku lifaaqan soo jeedinta, markay u caddaatay in qaar ka mid ah xildhibaanada magacyadooda iyo saxiixyadooda ku xusan ay caddeeyeen in aysan qeyb ka ahayn soo jeedinta, wuxuu go’aamiyay in la laalo soo jeedinta,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in go’aankan uusan xaddidaynayn xaqa dastuuriga ah ee xildhibaanada inay soo gudbiyaan soo jeedin cusub oo ku saabsan la-xisaabtanka Xukuumadda, haddii ay waafaqdo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.













