Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Wasiir Cali Xoosh ayaa “ayaan-darro weyn” ku tilmaamay in madaxweyne Deni oo horey wasiir iyo xildhibaan uga soo noqday dowladda federaalka, sidoo kalena u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, uu ku hadlo hadallo gafo ku ah masuuliyiinta Puntland ee xilalka heer federaal haya.
Wasiirka arrimah gudaha ayaa si gaar ah uga hadlay ereyga “dad shaqo tagey”, oo uu sheegay in Deni uu u adeegsaday masuuliyiinta reer Puntland ee ka shaqeeya dowladda federaalka.
Xoosh ayaa ku tilmaamay hadalkaas mid muujinaya faham-darro ku saabsan nidaamka federaalka iyo qaabka ay dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe uga wada tirsan yihiin dowladnimada Soomaaliya.
“Waa nasiib darro in maanta la hor istaago bulshada hadallo hoos u dhigaya maqaamka iyo kaalinta ay reer Puntland ku leeyihiin heer qaran,” ayuu yiri Xoosh, isaga oo xusay in dadka Puntland ay door taariikhi ah ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya.
Xoosh ayaa sidoo kale su’aal geliyay sida Deni mustaqbalka uga dalban karo shacabka Soomaaliyeed xil qaran, isagoo sheegay in hadallada kala qaybinaya bulshada ay dhaawacayaan dareenka dowladnimo ee ay wadaagaan Soomaalidu.
Wasiirka ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada uu Madaxweyne Deni xilligan booqanayo ay ka sugayaan adeegyo ay ka mid yihiin waddooyin, iskuulo, xarumo caafimaad, ceelal biyoodyo iyo gaadiid caafimaad, halkii laga abuuri lahaa cadow siyaasadeed ama cabsi gelin.
Deni ayaa maalmo ka hor ku tilmaamay siyaasiyiinta Puntland ee u shaqeeya dowladda Federalka inay yihiin dad shaqo tagay oo aan matalin Puntland.





