Lacag dhan sadex kun afar boqol iyo konton oo ay soo ururiyeen wariyeyaasha ku nool dalka kenya ayaa lasoo gaarsiiyey eheladi ay ka baxeen wariyeyaashi sanadki hore ku dhintey qaraxi guriga hooyooyinka,wariyeyaasha qaraxaas ku geeryoodey oo kala ahaa c/sataar,c/raxmaan yaasiin,libaan cali nuur iyo xasan yusuf absuge.
Wariyeyaashan oo muujiyey niyadsami aad u sareysa ayaa waxaa ka mahad celiyey eheladi iyo xaasaski ay ka geeryoodeen allaha u naxariistee afarta wariye ee aan kor kusoo sheegney,deeqdan ayaa noqotey mid ay filan waayeen dadki loo soo direy.
Waa marki u horeysey ee deeq nuucan oo kale ah ay soo gaarto dadka ay dhibaatadu kasoo gaartey qaraxyada iyo dagaalada dalka ka dhacayey ku dhawaad laba iyo labaatanka sano ee lasoo dhaafey.
Deeqda ay soo direen wariyeyaasha ku nool dalka kenya ayaa sidoo kale muujineysa xirfada iyo sida ay u kulmiso bulshada qeybaheeda kala duwan waana mid ka qeyb qaadaneysa israaca iyo isu keenida soomaaliya.




