Dagaal aad looga dareemey deegaano ku hareereysan hal dagaalku ka dhacey ee degmada deyniile ee gobolkan banaadir ayaa waxa uu u dhaxeeyey dagaalyahanada xarakada alshabaab iyo kuwa dawlada oo ay caawinayaan amisom.
Weerarka dagaalka ayaa waxaa soo qaadey dagaalyahanada alshabaab iyagoo ku soo qaadey fariisin ay ciidamadu ku lahaayeen degmada dayniile xaafada gubta,lamana oga qasaaraha ka dhashey dagaalka caawa dhacey.
Dhanka kale waaliga gobolka banaadir ee xarakada alshabaab ayaa sheegey in ay been tahey gacan ku heynta ay sheegtaan dawlada iyo ciidamada caawiya dawlada ee amisom,isla markaana waxa uu dawlada ku eedeeyey in ay gabtey masuuliyada ay sheeganeyso isla markaana ay dhiiri gelineyso in la kufsado gabdhaha soomaaliyeed maadaama buu yiri xitaa ay xireyso qofki ka hadla kufsiga isagoo ula jeeda kiis xaqdaro ahaa oo dhawaan ay maxkamada gobolka banaadir ku ridey wariye ka tirsanaa idaacadda Dalsan oo lagu magacaabo c/casiis c/nur ibraahin koronto.
Dagaalada iyo weerarada ka dhaca muqdisho ayaa ah kuwo joogta ah weyna adagtahey in la saadaaliyo waqtiga ay istaagayaan iyo habka ay ku istaagi karaan,maadaama ay dadku isu wada egyihiin oo aan lakala garan karin.




