Qarax geystey qasaare dhaawac uun ku siman ayaa ka dhacey isgoyska isbitaal banaadir iyo inta u dhaxeysa villa beydhabo,qaraxan oo ahaa miinada meelaha fog fog laga hago taas oo geystey dhaawaca 3 ruux oo wadada marayey.
Muqdisho waa meel aad mar kasta filan karto qarax ama shaqaaqo dagaal in aad iska dhex gasho,iyadoo aad u maleyneyso meelaha qaar kuwo aan waligood dagaal maqal ama uusan agtooda ka dhicin,waxaadna arkeysaa qurbajoog dalka dib ugu soo noqoneysa hottello xariga laga jarayo iyo meelo kale oo ganacsi kuwaasoo kugu abuuraya yididiilo horumar leh hadana dhanka kale marka aad dhageysato idaacadaha ama aad websiteyada gasho waa quus noloshu.
Maahan markii ugu horeysey ee qaraxan oo kale uu si kadis ah muqdisho uga dhaco iyadoo kala shakiga dadka iyo gaadiid meel la dhigtaba aan in badan lagu kalsoonaan karin taas oo iyaduna abuurta welwel keena xanuunada ku dhaca wadnaha iyo maskaxda allaha naga wada najeeyee.




