Go’aanka Kolombiya ay Ugu Aqoonsatay Israa’iil Buuraleyda Golen High ee Dalka Syria oo Soomaaliya Cambaareysay

0
272

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka ay Dowladda Kolombiya ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan madaxbannaanida Buuraleyda Golan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga noocan ahi uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da madaxbannaanida dhuleed.

Soomaaliya waxay xustay in Buuraleyda Golan ay yihiin dhul Suuriyaan ah oo la haysto, iyadoo ku adkaysatay in aan wax tallaabo ah oo hal dhinac ah lagu beddeli karin xaqiiqada sharci iyo taariikheed ee dhulkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale taageertay Suuriyada iyo shacabka Suuriya, waxayna sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday dhammaan dowladaha, gaar ahaan Kolombiya, inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha, isla markaana ka fogaadaan aqoonsiga sheegashooyinka dhuleed ee aan sharciyeysnayn.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku celisay mowqifkeeda ah in Buuraleyda Golan ay yihiin dhul Suuriyaan ah oo ay Israa’iil haysato, isla markaana xaaladdooda aan lagu beddeli karin tallaabooyin hal dhinac ah.