بسم الله الرحمن الرحيم
Goob joogo ku sugan Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com in qarax Miino lala beegsaday ciidamo ka tirsan TFG-da dabadeed ay halkaasi soo gaareen saraakiil iyo gawaari dagaal oo ay leeyihiin TFG-da kuwaasi oo doonayay in daabulaan Dhaawacyo iyo meydad qaraxyadaasi ka soo gaaray ciidamada TFG-da waxaana isla goobtii qarax kale lagula beegsaday saraakiishi iyo ciidamada halkaasi soo gaaray kuwaasoo ku baaba’ay goobta qaraxyadu ay ka dhaceen
Waxaana inta la ogyahay qaraxyadaasi ku dhintay labo sarkaal oo ka tirsan TFG-da iskaba daa maleeshiyaadka oo goobta intooda badan ku baaba’ay
Mana jirto ilaa hada cid sheegatay weerarada qaraxyada ah ee lala beegsaday saraakiisha iyo maleeshiyaadka TFG-da oo lagu weeraray Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo.
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(
info@warsom.com & webmaster@warsom.com)
Wararka Soomaaliya





