Golaha Wasiirrada Maamulka Waqooyi Bari iyo maamulka gobolka Sool ayaa sheegay in xaaladda degmada Adhi-Caddeeye ay deggan tahay, kadib markii maanta halkaasi lagu aasay in ka badan 20 qof oo ku naf waayay dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamada maamulku ay si buuxda ula wareegeen amniga magaalada, isla markaana aan loo oggolaan doonin maleeshiyaad hubaysan inay gudaha u soo galaan.
“Xaaladda magaalada Adhi-Caddeeye waa caadi, waxaana gacanta ku haya saraakiisha dowladda. Waxaan rajaynaynaa in dagaalku halkaas ku istaago oo magaaladu sideedii caadiga ahayd kusoo noqoto. Waxaa go’aan dowladeed ah in maleeshiyaadka hubaysan aan loo oggolaan inay magaalada soo galaan, maleeshiyo beeleedkiina waa laga saaray, ciidamada dowladda ayaana la wareegay amniga,” ayay sheegeen mas’uuliyiintu.
Dhanka kale, cuqaasha deegaanka ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee dagaallamay, iyagoo ku tilmaamay “laba beelood oo walaalo ah” isla markaana tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay dagaalka.
“Waxaan labada dhinacba uga tacsiyaynaynaa dadkii ku dhintay dagaalka, waxaanan ugu baaqaynaa in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal iyo nabad. Sidoo kale, waxaan labada dhinac ugu baaqaynaa inay is xakameeyaan oo aan colaadda la sii ballaadhin,” ayay yidhaahdeen cuqaashu.













