R/Wasaare Saacid Iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo Maanta Booqday Magaalada Marka (DAAWO SAWIRADA)

0
508

(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Wafdi Uu Hogaaminaya R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/saacid Faarax Garaad Shire Shirdoon ayaa Maanta Gaaray Deegaano Ka Tirsan Gobolka S/Hoose Sida Shanbood Iyo Marka

Wafuudaani Uu Hor Boodayey R/wasaare Saacid ayaa Si aanan Horey Loo Arag Waxaa Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

R/wasaaraha Iyo Wafdigiisa ayaa Waxa ay Kulaamo Xasaasi ah la Yeeshen Maamulka Gobolka Kan Degmada Iyo qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada

Wixii Fah Faahin ah ee Ka Soo Baxa Kulamada Kala Soco Warsom.com

(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)