Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarro uu sheegay in lagu bartilmaameedsaday siyaasiyiin mucaarad ah iyo dad rayid ah intii lagu jiray xiisadihii siyaasadeed ee ka dhacay Muqdisho.
Shariif ayaa sheegay in dhacdooyinkii ka dhacay degmooyinka Cabdi Casiis iyo Hawl-wadaag ay ahaayeen weerarro qorsheysan oo loo adeegsaday hub culus iyo ciidamo dowladeed, isagoo ku dooday in ujeeddadu ahayd in lagu cabburiyo mucaaradka iyo dadka aragti ahaan uga soo horjeeda dowladda.
Sida uu sheegay, xisbigiisu wuxuu qorsheynayay furitaanka xarun cusub iyo abaabulka bannaanbax nabadeed, balse uu weerar kala kulmay ciidamo uu sheegay in loogu talagalay difaaca qaranka. Wuxuu sidoo kale xusay in odayaal dhaqameed iyo xubno ku howlanaa dhexdhexaadin siyaasadeed ay iyaguna la kulmeen weerarro la mid ah.
Hoggaamiyaha Himilo Qaran ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda inay muujinayaan dulqaad la’aan siyaasadeed, isla markaana ay ka leexdeen mabaadi’dii dowladnimada iyo heshiisyadii siyaasadeed ee lagu maamuli jiray kala-guurka doorashooyinka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo laga soo raray deegaanno kala duwan oo dalka ah si loogu adeegsado arrimo siyaasadeed, halkii ay diiradda saari lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
“Hubka dowladda waxaa loogu talagalay difaaca shacabka iyo la dagaallanka cadawga, mana habboona in lagu wajaho siyaasiyiin ama dad rayid ah,’ ayuu yiri madaxweyne hore Shariif.
Dhanka kale, wuxuu cambaareeyay xarigga iyo cadaadiska lagu hayo saxafiyiinta iyo dadka aragtidooda cabbira, isagoo ugu baaqay dowladda inay sii deyso dadka uu sheegay in loo xiray sababo siyaasadeed.
Shariif ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaha siyaasadeed, lana bilaabo wada hadal lagu gaarayo heshiis ku saabsan doorashooyinka dalka. Wuxuu adkeeyay in bannaanbaxyada nabadeed ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniintu leeyihiin, isla markaana aan lagu cabburin karin awood ciidan.
“Doorasho heshiis lagu yahay oo nabad ah ayaa ah jidka keliya ee lagu ilaalin karo xasilloonida dalka,’ ayuu hadalkiisa ku daray.













