Madaxweyne Xasan Sheekh oo Rajo ka Muujiyey Wada-hadal iyo Isfaham ay Yeeshaan Dawladda iyo Mucaaradka.

0
9

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli diyaar u tahay wadahadal iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafaadka kala dhexeeya mucaaradka, isaga oo xusay in albaabbada dowladda ay mar walba u furan yihiin wada hadal.

Madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay Dawan Tv ku sheegay in beesha caalamku muddo dheer taageero la garab taagnayd Soomaaliya, balse uu aaminsan yahay in arrimaha siyaasadeed ee Soomaalida ay tahay in Soomaalidu ay iyadu ka tashato.

“Beesha caalamku way nala soo shaqeysay sanado badan, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo taageerada dib-u-dhiska dowladnimada, laakiin siyaasadda Soomaaliya waxaa go’aaminaya Soomaalida,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadatay siyaasad ku dhisan in arrimaha gudaha Soomaaliya lagu xalliyo gudaha dalka, halkii lagu qaban lahaa shirar iyo wada-hadallo dibadda ah sida hore u dhacday.

Isagoo ka hadlayay wada xaajoodka mucaaradka, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu weli rumeysan yahay in xal la gaari karo haddii labada dhinac ay sii wadaan wada hadallada.

“Fursad mar walba way jirtaa. Dowladda Federaalka albaabbadeedu way furan yihiin, waxayna diyaar u tahay inay wada hadal gasho ilaa xal la gaarayo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay baaq ka yimid madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan wada xaajoodka uu ugu baaqay inuu isagu marti galiyo.

Waxa uu sheegay inuusan helin codsi rasmi ah, balse uu xiriir iyo wada hadal joogto ah la leeyahay madaxda hore ee dalka.