Shirka Wada-tashiga Ganacsiga Geeska Africa oo Magaalada Muqdisho Lagu Soo Gaban Gabeeyey.

0
5

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirka Wadatashiga Qaran ee Ganacsiga ka hor Shirka Wasiirrada Ganacsiga ee Wasiirrada Geeska Afrika.

Shirkaan Wadatashigan oo socday mudday saddex maalmood ah ayaa waxa ka qeybgalay hay’adaha dowladda Federaalka, saaxiibbada horumarinta Soomaaliyq oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Dowladda Jarmalka, iyo daneeyeyaasha gobolka, si dib loogu eego horumarka laga sameeyay Qorshaha Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee hadda jira, loona aqoonsado mudnaanta lagu cusboonaysiinayo.

Shirka ayaa waxaa hadalo ka jeediyay, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Liibaan Cabsiiye, Madaxa Xoghaynta Hindisaha Geeska Afrika (HoAI) ahna wakiilka Guddoomiyaha HoAI, ayaa diirada lagu saaray Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan Fududeynta Ganacsiga Gobolka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo wada-hadallada iyo ballanqaadyada siyaasadeed, loona gudbo tallaabooyin wax ku ool ah oo fududeynaya ganacsiga kana qayb qaadanaya koboca dhaqaalaha. Waxa uu ku baaqay in la diyaariyo mashaariic mudnaan leh oo xoojinaya isdhexgalka ganacsiga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la gaaro natiijooyin la taaban karo, sida horumarinta kaabeyaasha ganacsiga, xarumaha xuduudaha, iyo isku xirka isu-socodka xuduudaha.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, ahna Guddoomiyaha hadda ee Hindisaha Geeska Afrika (HoAI), oo si rasmi ah u soo xiray shirka ayaa carrabka ku adkeeyay in isdhexgal dhab ah oo heer gobol ah lagu gaari karo oo keliya iskaashi farsamo oo xooggan iyo wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta dalalka xubnaha ka ah hindisaha.

Wasiir Biixi wuxuu tilmaamay doorka muhiimka ah ee hay’adaha dowladda, khubarada ganacsiga iyo xirfadlayaasha ay ku leeyihiin hirgelinta ballanqaadyada heer gobol, si loogu beddelo dib-u-habeyn wax-ku-ool ah oo fududeysa ganacsiga isla markaana kor u qaadda isku xirnaanta iyo koboca dhaqaalaha.

Shirkaan Wadatashiga ayaa gacan ka geysan doona dejinta kaalinta Soomaaliya ee cusboonaysiinta Qorshaha Fududeynta Ganacsiga Gobolka, isla markaana wax ka tari doona doodaha lagu qaban doono Shirka Wasiirrada Ganacsiga ee HoAI, si loo xoojiyo ganacsiga, isku xirka iyo isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.