(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Kooxo Bastolada Ku Hubeysan OO aan Heybtooda La Garan ayaa Habeenkii Xalay Gudaha Degmada Dherkeynley Ku Toogtay Haweeney Ka Tirsan Dadka Degan Degamadaasi
Haweeneydaan Oo Lagu Magacaabi Jiray Xaawo Aadan ayaa Waxaa Lagu Dilay Xaafadda Suuq Yaraha Degmada Dharkeynley Ee Gobolka Banaadir
Warar Is Khilaafsan ayaa ka Soo Baxaya Waxa ay Ahayd Haweeneyda La Dilay Iyadoo Wararka Qaar ay sheegayan In ay ka Tirsan maamulka Degmada laakiin taasi Ma Cadda
Markii Uu dilka Dhacay Ka Dib Waxaa Goobta soo Gaaray Ciidamada Booliska Degmada Oo Durbo Howl Baaritaano ah ka Bilaabay Halka Uu Falka Dilka ah ka Dhacay
Muddooyinka Dambe Waxaa isa Soo tarayey Falalka Dilka ah Ee ka Dhaca Gudaha Degmadaasi Iyadoo Maamulka Degmada ay Aalaaba Ka Gaabsadaan Markii ay Dhacaan Falal Nuucaan Oo kale
(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





