Warbaahinta CNN ayaa baahisay warbixin ay ku sheegtay in Israa’iil ay intii uu socday dagaalkii ay la gashay Iran ay hawlgallo sirdoon iyo milatari ka fulisay dalal kala duwan oo gobolka ku yaalla, kuwaas oo ay ku jirto Somaliland.
Sida ay CNN ka soo xigatay ilo aan magacyadooda la shaacin oo arrinta la socday, Israa’iil ayaa la sheegay inay ciidamo khaas ah iyo saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Mossad ka hawlgelisay xadka u dhexeeya Azerbaijan iyo Iran, halka sidoo kalena ay adeegsatay xarun shidaal-siinta diyaaradaha dagaalka oo ku taalla Somaliland.
Warbixintu waxay sheegtay in ciidamadan markii hore loo qorsheeyay inay ka qayb qaataan samatabbixinta duuliyeyaasha Israa’iil haddii diyaaradooda la soo rido, balse hawshooda markii dambe loo ballaadhiyay ururinta xogaha sirdoonka iyo taageeridda weerarrada lagu qaaday Iran.
CNN ayaa sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah hawlgallada laga fuliyay aagga xadka Azerbaijan uu ahaa dilka Rahman Moqadam, oo ahaa taliyihii Qaybta Hawlgallada Gaarka ah ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC). Warbixintu waxay ku eedaysay Moqadam inuu masuul ka ahaa tababarka iyo hawlgelinta shabakado sirdoon oo badhtilmaameedsanayay Israa’iil iyo danaha reer galbeedka.
Dowladda Azerbaijan ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo safaaraddeeda Israa’iil ku taal ay ku tilmaantay warbixinta CNN mid “aan sal iyo raad toona lahayn.” Dowladda Azerbaijan waxay sheegtay inaan waligeed dhulkeeda loo adeegsan hawlgallo ka dhan ah dal kale.
CNN waxay sheegtay inay xidhiidh la samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa’iil iyo militariga Israa’iil si ay uga helaan faallo rasmi ah, balse aanay helin jawaab waqtigii warbixinta la daabacay.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu si weyn u soo xoogaystay kadib markii Israa’iil bishii Diseembar 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Tallaabadaas ayaa dhalisay dhaleeceyn ka timid dalal xubno ka ah Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.
CNN waxay xustay in Somaliland ay hore u ahayd goob ay daneynayaan quwado gobolka iyo caalamka ka tirsan, gaar ahaan magaalada Berbera oo ay Imaaraadka Carabtu ku leedahay maalgashi ballaadhan iyo joogitaan ciidan.













