Banaanbaxyo looga soo horjeedo hadal dhawaan kasoo baxey wasaaradda arrimaha debedda dalka ingiriiska ayaa ka dhacey qaar kamid ah gobolada somaliland,iyagoo ka careysan hadal dhawaan kasoo baxey wasaarada arrimaha debedda dalka ingriiska.
Warkan kasoo baxey wasaaradda arrimaha debedda ayaa sheegayey digniino loo jeediyey dadka u safraya somaliland iyo arimo amniga la xiriira,iyadoo ingiriisku sheegey in ay dadka somaliland u safraa ay la kulmi karaan khataro xaga amnigooda ah,maadaama bey yiraahdeen ay joogto argagixiso debedaha ka timid oo aan somaliland u dhalan.
Maamulka somaliland oo dhinaciisa ka hadley ayaa beeniyey warkan dawlada ingiriiska kasoo baxey,waxeyna sheegeen in amniga somaliland lagu kalsoonyahey,islamarkaana ayna joogin shisheeye aan somaliland u dhalanin hadalkan ayaa yimid iyadoo dhawaan dawlada mareykanku sheegtey in ay aqoonsatey maamulka uu hugaamiyo m/weyne xasan sheekh gurguurte,taas oo hos u dhigtey aragtida maamulada ka jira soomaaliya.
Dawlada ingiriiska iyo somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir aad u qoto dheer oo soo jireen ah,waxaana socdey wada hadal u dhaxeeyey somalia iyo somaliland oo uu hurmuud u ahaa dawlada dalkaasi britain.




