Maamulka degmada B/weyne oo bilaabey canshuuraha/xoghayaha dawlada hoose ee degmada b/weyne xuseen maxamed fiidaw ayaa ka warbixiyey.

0
547

Maamulka degmada B/weyne ee gobolka hiiraan ayaa sheegey in ay bilaabeen qaadista canshuuraha,bilic soo celenta magaalada iyo dejinta goobo ku haboon oo ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah ee jidadka hareerahooda ku ganacsada,iyadoo dhismayaasha wadooyinka magaalada dhexmara lagu bilaabey dib u dhis iyo cadeyn si bilicda magaaladu u soo noqoto.

Xoghayaha dawlada hoose ee degmada b/weyne xuseen maxamed fiidaw ayaa sheegey in ay beryahan wadeen olole nadaafadeed iyo baneynta wadooyinka magaalada soo gala maadaama buu yiri ay magaalada fatahaadi wabigu ay wada saameysay xaafadaha ay beledweyne ka koobantahey,isla markaana ay ka qeyb qaateen dadweynaha magaaladu olole nadaafadeed oo beryahan socdey.

Xoghayaha ayaa intaa ku darey in ay dadka wadooyinka hareerahooda ku ganacsada ay dajinayaan meelo ku haboon ganacsigooda ayna ilaalinayaan hantidooda iyo karaamadoodaba (dadkan danyarta ah waa in la ixtiraamo oo la dhageysto sababtoo ah waa muwaadiniin xaq ku leh dalkooda mana sameyn doono siyaabaha qaldan ee hore loola dhaqmi jirey dadka garab raratada ah ayuu yiri xoghayaha dawlada hoose ee degmada b/weyne xuseen maxamed fiidaw oo la hadlayey warbaahinta.

Waa markii ugu horeysey ee ay maamulka degmada iyo dawlada hoose ee degmadu ay ku dhawaaqaan in ay canshuuro qaadayaan iyadoo dhawaan la mamnuucey canshuuraha laga qaado dadweynaha,lana sugayo xeerka tariifada canshuuraha ee wasaarada maaliyada iyo ansixinta baarlamaanka soomaaliya.