Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga horyimid xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo cambaareeyay qorshaha la sheegay in Somaliland safaarad uga furanayso Israa’iil, gaar ahaan magaalada Qudus ee la haysto.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabad ciida ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ayna aqbali doonin wax uu ku tilmaamay “mashruuc lagu doonayo in Israa’iil lagu keeno qayb kamid ah dhulka Soomaaliya.”
“Ma Israa’iil ayaa lagu yaqaan samafal? Ma Israa’iil ayaa lagu yaqaan in ay umado barwaaqayso? Qarniga 21-aad wax qarsoon ma jiraan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay tahay arrin laga xumaado in Somaliland oo uu ugu yeedhay “maamul ka jira Waqooyiga Soomaaliya” ay martiqaad u fidiyo Israa’iil, isaga oo ku adkeeystay in qorshahaasi “aanu hirgeli doonin.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed lagu yaqaan dad Muslimiin ah oo Qur’aanka ku dhaqma, isaga oo dhaliilay tallaabooyinka qaar kamid ah masuuliyiinta Somaliland ay ku muujiyeen taageerada Israa’iil.
“Dadka Soomaalida ah adduunka waxa looga yaqaan dadkii Qur’aanka. Waxa aad looga xumaado ah in calankii shahaadadu ku qornayd maanta lagu beddelo taageero loo muujinayo Israa’iil,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in Israa’iil ay aqbasho dowladnimada Falastiin, isaga oo sheegay in Qudus ay tahay magaalo muqadas u ah Muslimiinta.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, arrintaas oo dhalisay falcelin siyaasadeed iyo mid bulsho oo kala duwan gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka Islaamka.













