Dowladaha Maraykanka iyo Israel ayaa qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo militari oo ku yaalla koonfurta Iran, xilli wada-hadallo uga socdaan dhinacyada dalka Qatar, isla markaana uu Maraykanku shalay sheegay in wadahadaladu meel fiican marayaan.
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen goobaha laga gano gantaallada iyo maraakiibta miinooyinka dhigta ee ku sugan xeebaha koonfureed ee Iran, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen “is-difaac”. Warbaahinta Iran ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada dekedda leh ee Bandar Abbas oo ku taalla marin biyoodka Hormuz.
Sawirro dayax-gacmeed qaaday ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeray kadib weerarrada, kuwaas oo yimid iyadoo dagaalka u dhexeeya Iran, Maraykanka iyo Israa’iil uu galay marxalad cusub oo halis badan.
Dhanka kale, wafdi sare oo Iran ka socda ayaa gaadhay dalka Qatar si ay uga qayb galaan wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in horumar laga sameeyay wada-xaajoodyada, balse aanu weli jirin heshiis dhaw.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis kasta oo nabadeed uu ku xidhnaan doono in dalal gobolka ah sida Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga ay ku biiraan heshiisyada Abraham Accords ee lagu caadiyeynayo xidhiidhka Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isaguna amar ku bixiyay in weerarro xooggan lagu qaado ururka Hezbollah ee Lubnaan, isagoo sheegay in dalkiisu “dagaal kula jiro” kooxdaasi.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay tan iyo 2-dii Maarso dileen ugu yaraan 3,185 qof, halka 9,633 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo weerarradu si gaar ah uga dhaceen dooxada Bekaa iyo koonfurta Lubnaan.




