Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa sheegtay inay wadday dadaallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kadib markii tobannaan muwaadiniin Soomaaliyeed lagu hakiyay ama laga celiyay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Qaahira, iyadoo Masar ay si lama filaan ah u hakisay nidaamkii dal-ku-galka ee ay hore Soomaalidu ugu geli jireen dalkaas.
Bayaan ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awaare uu tagay garoonka diyaaradaha si uu ula socdo xaaladda muwaadiniinta ku xannibnaa halkaas.
Safaaradda ayaa sheegtay in dadaalladaasi ay suurtageliyeen in la sii daayo in ka badan 20 qof oo Soomaaliyeed oo ku sugnaa garoonka, inkastoo qaar kale dib loogu celiyay dalalkii ay ka yimaadeen.
Mas’uuliyiinta safaaradda ayaa sheegay inay wada-hadallo la yeesheen hay’adaha dowladda Masar si ay uga xaajoodaan tallaabada cusub ee lagu joojiyay gelitaanka Soomaalida, taas oo sida ay sheegeen aan hore loogu wargelin dowladda Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay safaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in qaar ka mid ah dadka la celiyay ay Masar ugu socdeen arrimo caafimaad.
Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa ugu dambeyn ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qorsheynaya safarka Masar inay si dhow ula socdaan tilmaamaha iyo wararka cusub ee kasoo baxaya safaaradda iyo hay’adaha socdaalka Soomaaliya.













