Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib U Heshiisiinta Cali Xoosh oo Deni ku eedeeyey in uu Carqaladeynayo Dawladnimada Dalka.

0
5

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Said Abdullahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay dowladnimada, midnimada dalka iyo horumarka Soomaaliya.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Cali Xoosh ku sheegay in qoraalkii shalay kasoo baxay madaxtooyada Puntland aanu u adeegeyn shacabka Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, balse uu qeyb ka yahay silsilad diidmo iyo jahwareerin uu sheegay inuu madaxweyne muddo dheer ku curyaaminayay dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Cali Xoosh wuxuu sheegay in siyaasadda Deni ay ku dhisan tahay laba arrimood oo kala ah, carqaladeynta wax kasta oo dalka horumarinaya iyo taageeridda wax kasta oo kala qeybin ama dib u dhac keenaya”.

Cali Xoosh ayaa ku eedeeyay Deni inuu hore uga horyimid qorshayaal ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya, doorasho qof iyo cod ah, ka faa’iideysiga khayraadka dalka iyo dhismaha ciidanka qaranka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland uu taageeray dano shisheeye isla markaana Puntland u adeegsaday cadaadis siyaasadeed oo lagu saaro dowladda dhexe.

Shalay ayay ahayd markii Puntland ay sheegtay in aysan aqoonsanayn Xasan Sheekh Maxamuud inuu yahay madaxweyne sharci ah, iyagoo ku eedeeyay inuu si sharci darro ah u adeegsanayo awoodda xafiiska madaxtooyada.

Puntland ayaa ku baaqday in la qabto shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya si looga heshiiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.