Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Somaliland ay ku furatay waxa ay ugu yeertay “safaarad” magaalada Qudus ee la haysto, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid sharci-darro ah oo ka hor imaaneysa qawaaniinta caalamiga ah.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay “si kulul u diidan tahay” furitaanka xaruntaasi, oo ay sheegtay inay dhaawaceyso xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus.
Masar ayaa sidoo kale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiiniyiintu leeyihiin oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, iyadoo sheegtay in tallaabo kasta oo wax looga beddelayo xaaladdiisa sharci ay tahay “waxba kama jiraan.”
Dowladda Masar waxay sidoo kale caddeysay taageeradeeda midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ka digtay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo dhaawaceysa madaxbannaanida Soomaaliya.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii dowladda Soomaaliya ay bayaan kasoo saartay furitaanka xaruntaasi, iyadoo ku tilmaantay tallaabada Somaliland “mid sharci ahaan waxba kama jiraan ah” isla markaana xadgudub ku ah midnimada dalka iyo go’aannada ururrada caalamiga ah.
Israel iyo Somaliland ayaa hore u shaaciyay heshiis ay ku sheegayaan “is-aqoonsi rasmi ah” iyo dhisidda xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, oo ay ku jiraan qorshayaal lagu furayo safaarado iyo iskaashi dhinacyada beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar, oo booqasho ku tagay Somaliland horaantii sanadkan, ayaa sheegay in xiriirka cusub “uusan ka dhan ahayn cid gaar ah,” balse uu yahay mid lagu horumarinayo danaha labada dhinac.













