Xujeyda Soomaaliya oo Ku Cawday in La Dajiyey Meelo ka Fog Goobaha Cibaadada ee Xajjka.

0
193

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan u ambabaxay gudashada waajibaadka Xajka ayaa muujinaya cabashooyin isa soo taraya oo ku saabsan adeegyada ay heleen, iyagoo sheegay inay la kulmeen duruufo adag iyo adeegyo hoose oo saameeyay gudashada acmaashooda.

Qaar kamid ah xujeyda ayaa sheegay in la dejiyay deegaano ka fog goobaha muhiimka ah ee Xajka, taasoo ku qasabtay inay wajahaan dhibaatooyin dhinaca gaadiidka iyo helitaanka adeegyada aas-aasiga ah, oo ay ku jirto cunno ku filan.

Xujeyda ayaa sidoo kale sheegay in adeegyada loo fidiyay ay aad uga hooseeyeen heerkii laga filayay, inkastoo ay bixiyeen lacag badan oo gaareysa in ka badan afar kun oo doolar qofkiiba, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa meelaha ugu qaalisan ee laga bixiyo qarashaadka Xajka.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka gudanaya Xajka, gaabiska adeegyada iyo hab maamulka ayaa saameyn ku yeeshay habsami u socodka acmaashooda, iyadoo cabashooyinkaasi ay sii kordhayeen maalmihii la soo dhaafay.

Maalintii shalay ahayd, qaar kamid ah xujeyda ayaa bannaanbax cabasho ah ka hor dhigay gaari uu la socday , iyagoo dalbanayay in wax laga qabto xaaladaha ay wajahayaan.

Ilaa hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin ama wasiirka laftiisa oo ku saabsan cabashooyinka ay gudbiyeen xujeyda Soomaaliyeed.

Cabashooyinka la xiriira adeegyada Xajka ayaa sanad walba dib uga soo laabta xujeyda Soomaaliyeed, iyadoo su’aalo laga keenayo heerka adeegyada ay helaan marka loo eego qarashaadka sare ee laga qaado.