Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay inay kulan la qaadatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo diiradda lagu saaray taageerada dhaqaale ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya.
Qoraal ay ku baahisay barta X, ayay Di Mauro ku sheegtay in Midowga Yurub uu u qoondeeyay €75 milyan howlgalka AUSSOM, iyadoo sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda “wadaagga culeyska” ee taageerada amniga Soomaaliya mustaqbalka.
Waxay sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay hirgelinta €63 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah oo Midowga Yurub uu siinayo Soomaaliya, gaar ahaan dadka ay saameeyeen abaarta daran ee dalka ka jirta.
Hadalka Francesca Di Mauro ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa xiisad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ah ee dalka, iyadoo beesha caalamka ay sii waddo dadaallada lagu xasilinayo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Danjiraha Midowga Yurub ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mowqifka Midowga Yurub ee muranka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, balse qoraalkeeda ayaa muujinaya in Brussels ay sii waddo taageerada dhinacyada amniga iyo gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya.













