Debedbax Looga Soo Horjeedo Xuska 18 ka May oo Ka Dhacay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.

0
8

Mudaharaad lagaga soo horjeedo munaasibadaha 18 May ayaa maanta ka dhacay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii qaar kamid ah dhallinyarada magaalada ay taayiro ku gubeen qaybo kamid ah magaalada.

Wararka laga helayo Borama ayaa sheegaya in ciidamada booliisku ay rasaas rideen si ay u kala eryaan dhallinyarada mudaharaadayay, hase yeeshee lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Aadan Bakaal, ayaa sheegay in mudaharaadku uu ka dhashay khilaaf kubadeed oo dhexmaray dhallinyaro, balse uu markii dambe yeeshay xaalad amni oo u baahatay in la dejiyo.

“Waa suuragal in dhallinyaradii maanta kubadda isku khilaafay in cid kale soo dhex raacday, waad ku mahadsan tihiin sida aad u ilaaliseen. Dhallinyarada gobolka Awdal aad iyo aad ayaan idiinku ammaanayaa sida aad u ilaalinaysaan waddankiina iyo magaaladiinaba,” ayuu yidhi wasiirku.

Magaalada Borama ayaa kamid ah meelaha si weyn looga dareemayo doodaha la xidhiidha xuska 18 May, iyadoo dhawaan ay dhallinyaro ka cadhoodeen hadal uu hore u jeediyay Abwaan Daaha Gaas oo sheegay in magaalada Saylac ay leedahay beesha Ciise. Dhallinyarada ayaa markaas diiday in kooxda Dayaxa Band oo uu hoggaamiyo ay bandhig faneed ku qabtaan magaalada.

Dhamaadkii sannadkii hore ayay sidoo kale ugu yaraan 19 qof ku dhinteen mudaharaado ka dhacay Borama, kuwaas oo la xidhiidhay muran ka taagnaa cidda leh magaalada Saylac.