Qorshaha Hirgelinta Dastuurka Cusub oo Golaha Wasiirada Federalku Soomaaliya Ansixiyeen.

0
4

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa diiradda saaray hirgelinta Dastuurka cusub, ansixinta siyaasado, heshiisyo caalami ah iyo xeerar muhiim u ah maamulka dowladnimada.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay Qorshaha Hirgelinta Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo ay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka hor keentay Golaha.

Wasaaraddu waxay soo bandhigtay qorshe lagu xaqiijinayo in dhammaan qodobada Dastuurka lagu dhaqan geliyo muddada u dhexeysa 2026 illaa 2029, iyadoo la tixgelinayo duruufaha siyaasadeed iyo baahiyaha hay’adaha dowladda, Qorshahan ayaa sidoo kale qeexaya mudnaanaha shaqo ee 12-ka bilood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dastuurka uu si rasmi ah u dhaqan galay laga bilaabo maalintii uu saxiixay Madaxweynaha isla markaana lagu faafiyay faafinta rasmiga ah, hase yeeshee hirgelintiisa farsamo ay tahay geeddi-socod u baahan waqti iyo hay’ado dhameystiran, gaar ahaan dhanka maamulka iyo adeegyada dowliga ah.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sidoo kale soo jeedisay in Golaha Wasiirradu meel mariyaan qaraar qeexaya howlaha mudnaanta leh ee Dastuurka ku jira ee lagu qabanayo 12-ka bilood ee soo socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo howlgelinta hay’ado muhiim ah sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirradu waxay dhageysteen warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Koonfur Galbeed, iyo doorka Warbaahinta Qaranka ee ka qeyb qaadatay wacyigelinta bulshada. Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan wadahadalladii siyaasadeed ee doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda hoggaaminayay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dalacsiinta Maxamed Rabiic Yuusuf oo laga dhigay Safiir Ku-xigeenka Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, isagoo sidaas ku noqonaya safiirka labaad ee Soomaaliya ku metela hay’addaas.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay siyaasado, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal dhowr ah oo ay ku jiraan Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya, Xeer-nidaamiyaha dib-u-howlgelinta iyo mideynta caymiska bulshada, Heshiis iskaashi maalgashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, Cusboonaysiinta heshiiska waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo Xeerka maamulka goleyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.