Madaxweynihii Hore ee Koofur Galbeed ahna Gudoomiyaha Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran oo ka Digay Musuq maasuq Doorashada konfur galbeed.

0
3

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Hassan Sheikh Aden ayaa ka digay in la musuqmaasuqo doorashada ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay guddiga doorashada iyo dowladda inay si caddaalad iyo hufnaan leh u maareeyaan natiijada codbixinta.

Doorashada oo dhacday Axaddii lasoo dhaafay ayaa lagu waday in natiijadeeda lagu dhawaaqo 24 saac gudahood, balse ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka, arrintaas oo sii kordhisay walaaca siyaasadeed iyo su’aalaha laga qabo hannaanka tirinta codadka.

Shariif Xasan oo taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay juhdi badan geliyeen diiwaangelinta iyo ka qeybgalka doorashada, ayna muhiim tahay in codkooda la ilaaliyo.

“Waxaan rabnaa in codadka shacabka aan la is daba marin. Haddii codka shacabka la beddelo ama la musuqmaasuqo, ma aqbali doono,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Wuxuu sheegay in shacabka ay u istaageen safaf dhaadheer si ay isu diiwaangeliyaan una codeeyaan, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa rabitaanka dadka ee doorasho xor iyo xalaal ah.

“Dadka waxay galeen dadaal badan, waxay qaateen kaararka codbixinta, waxayna muujiyeen inay doonayaan hoggaan ay iyagu doortaan, Doorashadu waa jidka keliya ee lagu gaari karo horumar iyo hoggaan lagu kalsoon yahay,” ayuu yiri.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo ay jiraan warar sheegaya in natiijada la og yahay, haddana shacabka ay sugayaan oo keliya ku dhawaaqista rasmiga ah ee guddiga doorashada.

“Dadka way ogyihiin sida codadku u kala baxeen, laakiin waxaan rabnaa in guddigu si rasmi ah oo daahfuran ugu dhawaaqo natiijada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu uga mahadceliyay shacabka reer Koonfur Galbeed, ciidamada ammaanka, dhalinyarada iyo hawlwadeennada doorashada kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga iyo qabsoomidda codbixinta.