Markab Laga Leeyahay Dalka Masar Laguna Afduubtay Xeebaha Soomaaliya oo Dalalka Khaliijku Cambaareeyeen.

0
4

Wadamada Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Boqortooyada Urdun ayaa si adag u cambaareeyay dhacdo lagu afduubtay markab shidaal oo ka yimid biyaha caalamiga ah ee Yemen, kaas oo sida la sheegay ay la socdeen badmaaxiin u dhashay dalka Masar, kadibna loo jiheeyay biyaha Soomaaliya.

Saddexda dal ayaa bayaan ay soo saareen Wasaaradahooda Arrimaha Dibadda ku sheegay in dhacdadani ay tahay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar weyn ku ah amniga marinada badda iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.

Waxay sidoo kale muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan Dowladda Masar iyo qoysaska badmaaxiinta la afduubtay, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xaqiijiyo ammaankooda loona sii daayo.

Dhanka kale, waxay ku baaqeen in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca marinada badda ee istiraatiijiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa horay u sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda markabka M/T Eureka, oo laga soo afduubtay biyaha Yemen laguna haayo xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdel Aaty, ayaa faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay si dhow ula socoto xaaladda sideedda badmaax ee Masar u dhashay, isla markaana ay bixiso dhammaan taageerada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo sii deyntooda, iyadoo lala xiriirayo mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha markabka.