Mucaaradka Muqdisho oo ku Dhawaaqay Markale Mudaharaad 16 ka May Ka Dhaca Caasimada Dalka.

0
8

Madasha samata-bixinta ayaa ku dhawaaqday bannaanbax kale oo Muqdisho ka dhicidoona 16-ka may kaddib ay dowladda federaalka ku eedeeyeen in ay hor istaagtay bannaanbaxii mucaaradku qorsheeyeen inuu shalay ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen in loogu hiilinayay dad laga barakiciyey guryahooda.

Madasha waxay sheegeen inay inay sii wadi doonto waxa ay ku tilmaantay “halgan nabadeed” oo ka dhan ah barakicinta khasabka ah iyo ku takrifalka awoodda dowladda,

Bayaan ay madashu soo saartay ayaa lagu sheegay in bannaanbaxii shalay uu uu ahaa mid waafaqsan dastuurka, isla markaana si rasmi ah loogu wargeliyey hay’adaha ammaanka goobta iyo waqtiga uu dhacayo si loo sugo amniga iyo isu socodka dadka ka qaybgelaya.

Madashu waxay sheegtay in dowladda markii hore ku adkaysatay in dibadbaxa lagu qabto garoonka Eng. Yariisow ee Ex-Konis, balse hoggaanka mucaaradka ay aqbaleen arrintaas si looga fogaado xiisad amni.

Si kastaba, bayaanka ayaa lagu sheegay in magaalada lagu soo daadgureeyey ciidamo ka tirsan militariga, booliska iyo hay’adaha sirdoonka, iyadoo la xiray waddooyin muhiim ah isla markaana la xaddiday isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Madashu waxay sidoo kale ku eedeysay ciidamada ammaanka inay rasaas nool ku fureen dad dibadbaxayey oo ku sugnaa degmada Dayniile. Sida lagu sheegay bayaanka, hal qof ayaa ku dhintay rasaasta halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Waxay tacsi u dirtay qoyska qofka dhintay, iyadoo ugu baaqday dowladda in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhacdadaasi isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh.

Madashu waxay sheegtay in tallaabooyinka amni ee la qaaday ay si weyn u saameeyeen noloshii caadiga ahayd ee Muqdisho, oo ay ku jiraan isku socodka, waxbarashada, ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada.

Waxay sidoo kale ku baaqday in la sii daayo dhalinyaro iyo dad kale oo loo xiray ka qaybgalka bannaanbaxyada, lana joojiyo waxa ay ku tilmaantay cabsi gelinta lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka, suxufiyiinta iyo dadka u ololeeya xuquuqda bulshada.

Madasha Samatabixinta oo ku dhawaaqay mudahaarad kale oo ka dhan ah dowladda