Mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay in bannaanbax ballaaran oo lagu waday inuu ka dhaco xaafado kala duwan oo Muqdisho ah loo raray Garoonka Eng yariisow, kadib markii la xiray waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda oo ay ciidamo badan ay kusoo daadisay Dowladda Federaalka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in bannaanbaxu uu yahay mid looga soo horjeedo barakicinta iyo burburinta lagu hayo qaar ka mid ah dadka ku nool Muqdisho, isagoo dadka ku boorriyay inay si nabad ah uga qeyb qaataan isu-soo-baxa.
Mucaaradka ayaa horey u qorsheeyay in banaanbaxooda uu ka dhacay meelo kala duwan oo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana ay ugu dambeyntii aqbaleen soo jeedintii Wasaaradda amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa in mucaaradka banaanbaxooda ku qabsadaan Garoonka Eng yariisow.
Dowladda ayaa ciidamo aad u hubeysan iyo gaadiid milatari geeysay qaybo ka mid ah magaalada, iyadoo la adkeeyay amniga ka hor isu-soo-baxa.













