Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo Amarro Cusub ku Soo Rogay Banaan baxayaasha Muqdisho.

0
46

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir, ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota shacabka ku nool caasimadda, iyagoo ka digay in aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan ama falal rabshado wata iyadoo maanta la qorsheenayay inay banaanbaxaan Mucaaradka.

War-saxaafadeedka booliiska ayaa lagu sheegay in kaliya la oggol yahay isu-soo-baxyo nabadeed oo waafaqsan sharciga dalka iyo nidaamka amniga, kuwaas oo loo asteeyay inay ka dhacaan Garoonka Eng. Yariisow.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ayaa adkeeyay in si buuxda loo mamnuucay in lagu dhex qaato hub, ama in la sameeyo abaabul keeni kara qalqal amni iyo kicin bulsho.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo adag oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo falal sharci-darro ah ama ku lug lahaanshaha bannaanbaxyo hubeysan.

Ugu dambeyn, shacabka ayaa lagu boorriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda caasimadda Muqdisho, iyadoo xaaladdu ay tahay mid si dhow loo kormeerayo.

Waxaa xusid mudan, in Shacabka Caasimadda ay saakay ku waabariisteen askar badan oo qeyba kala duwan leh oo lagu soo daadiyay xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo waddooyinka muhiimka ah xitaa meelaha qaar la diidayo in socod lagu maro.