Markab Shidaal oo Afduub Lagu Haysto Xeebaha Soomaaliya oo Shaki Laga Qabo in ku Lug leeyihiin Xuutiyiinta Yemen.

0
305

Xiisad cusub ayaa ka taagan xeebaha Yemen kadib markii ay adkaatay in dib loo soo celiyo markab shidaal oo lagu magacaabo “MT Eureka”, kaas oo laga soo afduubtay xeebaha gobolka Shabwah, islamarkaana ay saarnaayeen 12 badmaax oo u kala dhashay Masar iyo Hindiya, Waxaa sidoo kale soo baxaya shaki ah in Yemeniyiin ay ku lug leeyihiin dhacdadan.

Sida ay sheegtay warbaahinta “New York Times” oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya, afduubka markabkan waxaa fuliyay burcad-badeed Soomaali ah oo hubeysan, iyadoo isla markaana ay jiraan tuhunno la xiriira in dhinacyo Yemeniyiin ah ay ku lug leeyihiin hawlgalkan.

Sarkaalku wuxuu intaa ku daray in bbaaritaannada socda ay ku eegayaan suurtagalnimada xiriir ka dhexeeya afduubayaasha iyo kooxo hubeysan oo gobolka ka hawlgala, oo ay ku jirto kooxda Xuuthiyiinta.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in dhacdadani ay kordhinayso walaaca laga qabo iskaashi suurtagal ah oo u dhexeeya burcad-badeedda iyo kooxaha hubeysan, xilli ay jiraan digniino isa soo taraya oo ku saabsan amniga marinnada badda.

Dhanka kale, Hay’adda Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegtay in dadaalladii lagu doonayay in lagu soo furto markabka ay la kulmeen caqabado waaweyn, sababo la xiriira awood xaddidan oo dhinaca doonyaha ah, kuwaas oo aan ku habboonayn hawlgallada badda furan.

Waxay sidoo kale sheegeen in markabka oo siday ku dhowaad 2800 tan oo naafto ah uu sii watay safarkiisa isagoo ku wajahan xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu gacanta ugu jiray sagaal nin oo hubeysan oo la sheegay inay Soomaali yihiin, kuwaas oo isticmaalayay hub kala duwan oo ay ku jiraan qoriga loo yaqaan RPG.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in inkasta oo ay jireen iskaashi caalami ah, haddana doorkoodu uu ku koobnaa kaliya dabagal iyo go’aaminta goobta uu markabku ku sugan yahay, balse aan la sameyn faragelin toos ah.