Gudiga Doorashada iyo Soohdimaha oo Shaaciyey Jadwelka Doorashada Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

0
5

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray jadwalka dhammeystiran ee doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka ee sanadka 2026, iyadoo doorashooyinka ugu horreeya ay ka bilaaban doonaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed bishaan aan ku guda jirno ee May.

Sida ku cad jadwalka guddiga, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya dowlad goboleedkii ugu horreeyay ee gala doorashada, iyadoo doorashada golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka la qaban doono 10-ka May, halka doorashada guddoonka baarlamaanka la qorsheeyay 18-ka May, halka madaxweynaha maamulkaasi la dooran doono 23-ka May 2026.

Maamulka Hirshabelle ayaa doorashadiisu dhici doonta 20-ka June ilaa 9-ka July, halka Galmudug iyaduna lagu wado isla muddadaas.

Sidoo kale, Gobolka Banaadir ayaa la qorsheeyay in golaha caasimadda la doorto 30-ka July, halka duqa magaalada iyo ku xigeennadiisana la dooran doono 5-ta August 2026.

Jadwalka ayaa sidoo kale xusaya in deegaannada Waqooyi Bari iyo Gobolka Gedo ee Jubbaland laga qaban doono doorashooyinka goleyaasha deegaanka 30-ka July.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in dhawaan la soo saari doono xeer-nidaamiyeyaal, habraacyo iyo tilmaamo farsamo oo faahfaahsan si loo maareeyo dhammaan marxaladaha doorashada. Waxa kale oo uu guddigu ballanqaaday wacyigelin joogto ah, xog-wadaag iyo tababaro loo sameynayo daneeyayaasha kala duwan.

Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda daahfurnaanta, isla xisaabtanka, dhexdhexaadnimada iyo ilaalinta anshaxa doorashada, si loo dhiso kalsoonida shacabka.

Ugu dambeyn, guddigu wuxuu ugu baaqay ururrada siyaasadda, musharixiinta, hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda ugu hoggaansamaan jadwalkan iyo habraacyada la soo saarayo, si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo lagu kalsoonaan karo.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka Dowlad Goboleedyada dalka