Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo Soo Dhaweeyey Shirka Wadahadal ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku Baaqay.

0
5

Howlgalka Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay casuumaadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay dhinacyada siyaasadda si loo qabto shir looga arinsanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka uu maraayo si looga wada hadlayo arrimaha masiiriga ah oo ay Dowladda iyo Mucaaradku isku hayaan.

Bayaan lagu daabacay baraha bulshada ayay UNTMIS ku sheegtay in shirkaasi uu fursad u yahay in si wadajir ah loogu raadiyo xal arrimaha siyaasadeed iyo qaran ee mudada dheer taagnaa.

“UNTMIS waxay soo dhaweynaysaa casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si loo qabto kulan lagu raadinayo waddo horay loogu sii socdo oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

UNTMIS ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ka qeyb galaan wada-hadallada si daacadnimo leh, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Waxay xustay in wada-hadal dhab ah iyo ka qeybgal loo dhan yahay ay muhiim u yihiin xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee weli jira.

UNTMIS ayaa intaa ku dartay inay garab taagan tahay dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida, iyadoo la kaashanaysa saaxiibada caalamka, si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Goor sii horeeysay Shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhoweeysay Midowga Yurub, inkastoo aan wali jawaab rasmi ah oo aqbalaad ama diid midkoodna aan wali laga haynin Hogaanka sare ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Dhanka Kale Midowga Yurub ayaa Sidoo Kale waxa uu Safiirkooda Soomaaliya aad u Soo Dhaweeyey iyadoo Lagu Tilmaamay Talaabo wax ku ool ah oo Lagu soo Afjari karo Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya.