Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya in ay ka qeyb galaan kulan magaalada Muqdisho ka dhicidoona 10-ka May 2026.
Sida ay sheegtay madaxtooyadu, Ajendaha kulanka ayaa la sheegay inuu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka iyo dejinta jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo is-qancin iyo isu-tanaasul, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo natiijooyin la taaban karo laga gaaro.
Xasan Sheekh wuxuu adkeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dhismaha hannaan siyaasadeed oo ku saleysan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada dalka.
Casuumadda madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku soo beegantay, iyadoo muddo ka yar 15 cishe ay ka harsan yahay muddo xileedka madaxweynaha, xilli aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray doorashooyinka qaran ee dalka.
Lama oga in ay mucaaradka aqbalidoonaan kulankan, iyadoo ay horey u fashilmeen kulamadii horey u dhacay, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu doonayo inuu xarig jiido in dalka ay doorasho ka dhacdo
Wax yar ka hor warka ka soo baxay madaxtooyada, Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay todobaad gudahiisa ku soo saari doonaan nooca doorasho oo dalka ka qabsoomi karta, taasoo aan ahayn mid dadban ama nidaam qof iyo cod.














