Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Sheegay in Badda Soomaaliya ay Lafdhabar u Tahay Koboca Dhaqaalaha.

0
4

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si weyn diiradda u saarayso horumarinta iyo ka faa’iidaysiga badda Soomaaliya si ay u noqoto laf-dhabarta koboca dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, isagoo sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in dekedaha dalka la gaarsiiyo heer caalami si loo xoojiyo ganacsiga iyo isku xirka suuqyada caalamka.

“Dowladda waxaa ka go’an in badda Soomaaliyeed laga dhigo laf-dhabarta koboca dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la maalgeliyo dekedaha dalka, isagoo xusay in gaadiidka badda uu ka jaban yahay kana ammaan badan yahay gaadiidka dhulka, taasoo fursad weyn u ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in horumarinta waaxda badda ay tahay tiir muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda dhaqaalaha dalka, isagoo tilmaamay in xeebta dheer ee Soomaaliya ay tahay hanti qaran oo awood u leh in ay soo saarto koboc iyo maalgashi ballaaran.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso sugidda amniga badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee badda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la ilaaliyo deegaanka badda, lagana hortago xaalufinta kheyraadka, si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iideystaan,” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Intii uu kormeerayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dekedaha, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha wasaaradda dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada muhiimka ah ee la xiriira ganacsiga badda iyo isku xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.