Shirkadda caalamiga ah ee maraakiibta xamuulka qaada ee ayaa si ku-meelgaadh ah u joojisay qaadashada dalabaadka cusub ee xamuulka ee ku wajahan kana imanaya Dekedda Berbera, tallaabo si weyn u saamayn karta isu-socodka ganacsiga gobolka, gaar ahaan xamuulka u socda dalka .
War-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay 20-ka Abriil 2026 ayaa lagu sheegay in go’aankan uu dhaqan galay isla markiiba, iyadoo lagu sababeeyay isbeddello ku yimid jadwalka maraakiibta. Maersk waxay qiratay in Dekedda Berbera ay muhiim u ahayd xamuulka gudaha iyo sidoo kale isku xidhka suuqyada deriska ah, gaar ahaan Itoobiya oo si weyn ugu tiirsan dekeddaasi.
Si kastaba, shirkaddu waxay caddeysay in dhammaan xamuulka horey ugu socday loo gudbin doono halkii uu ku socday sidii qorshuhu ahaa, inkasta oo la hakiyay dalabaadka cusub.
Dekedda Berbera ayaa sannadihii u dambeeyay noqotay marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga , iyadoo dowlada Itoobiya ay muujisay xiiso sii kordhaya oo ku aaddan isticmaalkeeda sida Addis Standard sheegtay. Bishii Diseembar 2025, wafdi sare oo Itoobiyaan ah ayaa booqday dekedda iyo aagga ganacsiga xorta ah ee ku dhow, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo isku xidhka gobolka.
Inkasta oo Maersk ayna si cad u sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa hakinta, haddana arrintan waxay ku soo beegmaysaa xilli ay xiisado siyaasadeed ka jiraan gobolka Badda Cas. Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa dhawaan ka digtay waxa ay ku tilmaantay ballaadhinta saameynta Israa’iil ee Somaliland.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in tallaabooyinkaasi ay khatar ku yihiin madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ay saameyn ku yeelan karaan ganacsiga caalamiga ah.
Dhanka kale, waxay xaqiijisay in adeegyadeeda kale ee gobolka, oo ay ka mid yihiin dekedaha Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa, ay sii socon doonaan si ay u taageeraan isku socodka ganacsiga.
Shirkaddu waxay sidoo kale kula talisay macaamiisheeda u baahan adeegyada Berbera inay la xidhiidhaan wakiilladeeda si loo helo xalal kale oo dhinaca dhulka ah.













