Guddiga Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku magacawday danjire diblomaasiyadeed oo u fadhiya Somaliland, isagoo sheegay in arrintani ay keeni karto khatar ku aaddan xasilloonida Geeska Afrika.
Warsaxaafadeed uu guddigu soo saaray Axadda maanta ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu si buuxda u taageersan yahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanu aqoonsanayn Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale xusay go’aannadii ka soo baxay kulankii 1324aad ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika kuwaas oo caddeeyay in tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland si gooni ah loo tixgeliyo mid aan sharci ahayn oo aan la aqbali karin.
Guddigu wuxuu ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay dhaawici karaan dadaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay kordhin karaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabad-dhisidda, dowlad-dhiska iyo xoojinta midnimada qaran.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii warbaahinta Israa’iil ay shaacisay in dowladda Israa’iil ay u magacawday Michael Lotem inuu noqdo danjireheedii ugu horreeyay ee Somaliland, isagoo horey uga soo shaqeeyay Kenya.













