Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Firdhiye oo ku Baaqay in Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka Wadahadal Lagu Dhameeyo.

0
776

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa sheegay in maamulkiisu uu si buuxda u taageersan yahay dhamaystirka iyo wax ka beddelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Firdhiye ayaa sidoo kale ku baaqay dardargelinta hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal.

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, ayuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad u baahan xasillooni, wadajir iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah.

“Dawladda Waqooyi Bari waxay ku baaqaysaa dardargelinta hannaan doorasho oo ku yimaada qof iyo cod. Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in xaaladda is mariwaaga siyaasadeed la dhameeyo loona maro dariiqa wada hadalka,” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.

Waxa uu xusay in Waqooyi Bari ay door hormuud ah ka qaadan doonto ilaalinta nidaamka federaalka, midnimada dalka iyo iskaashiga dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uu ka gudbay marxalado hubanti la’aan iyo kala daadsanaan, islamarkaana ay u gudbeen hoggaan leh hay’ado shaqeynaya iyo aragti mideysan.

Firdhiye ayaa sheegay in safar uu ku tagay Muqdisho uu kula kulmay wakiillo ka socda beesha caalamka, oo ay ka mid ahaayeen Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu kala hadlay aragtida Waqooyi Bari iyo baahiyaha horumarineed, isagoo tilmaamay in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo guul leh oo furay albaabyo iskaashi cusub.