Gantaallo ay Iiraan soo ridday ayaa ku dhacay qaybo ka mid ah magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, taas oo sababtay burbur ballaadhan oo soo gaadhay dhismayaal iyo dhimashada ugu yaraan afar qof. Weerarkan ayaa si toos ah u saameeyey goobaha rayidka ah, iyadoo jugta qaraxyadu ay gilgileen xaafado badan oo magaalada ka mid ah.
Warbixinno hordhac ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in tiro kale oo dad rayid ah ay ku dhaawacmeen weerarradan, halka qaarkood xaaladdoodu liidato. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa si xawli ah uga hawlgalay goobaha ay waxyeelladu soo gaadhay, iyagoo samatabbixinaya dad ku hoos jiray burburka iyo kuwa ku go’doonsanaa dhismayaasha waxyeelladu gaadhay.
Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xaaladdu weli kacsan tahay, iyadoo xiisadda sii xoogaysanaysa ay sababtay iskahorimaadyo cusub oo ka dhex aloosan gobolka.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa sii wadda duqeymaha ay ka waddo gudaha Lubnaan, iyadoo la beegsanayo goobo ay sheegtay inay ku sugan yihiin maleeshiyaad xidhiidh la leh Iiraan. Tallaabadan ayaa qayb ka ah iska horimaad sii xoogaysanaya oo ka dhex aloosan gobolka.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in wada-hadallo lala leeyahay Iiraan ay socdaan si loo eego suurtagalnimada heshiis ballaadhan oo lagu soo afjaro xiisadda. Waxa uu xusay in Iiraan ay markan u muuqato mid doonaysa xal nabadeed.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iiraan ayaa si adag u beenisay jiritaanka wada-hadalladaas, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan uu ku tilmaamay hadalladaasi “warar been abuur ah” oo loogu talagalay in lagu saameeyo suuqyada maaliyadeed iyo shidaalka.
Xaaladda milatari ee gobolka ayaa weli cakiran, iyadoo Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu sheegay in ay wadaan weerarro culus oo ka dhan ah badhtilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan.













