Odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dadaalo fiican ka sameeyeen sidii loo joojin lahaa xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan deegaannada maamulkaas, kaddib kulamo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.
Ugaas Shire Ugaas Warsame, oo ka mid ah madax dhaqameedka Koonfur Galbeed, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in odayaashu ay la kulmeen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka, sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ugaas Shire wuxuu sheegay in dhammaan dhinacyada ay muujiyeen diyaar garow lagu joojinayo colaadda iyo dhiigga daadanaya, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan kursi siyaasadeed lagu raadin karin xoog iyo dagaal.
“Dhiigga bini’aadamka waa xaaraan, mana habboona in kursi lagu raadiyo,” ayuu yiri Ugaas Shire, isagoo uga digay cid kasta oo isku dayda inay dano siyaasadeed ku gaarto rabshado.
Waxa uu sheegay in laga bilaabo berrito la joojin doono dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan oo u dhexeeya dhinacyada is haya, isla markaana la hakin doono daadgureynta ciidamada iyo qalabka dagaalka, si loo furo waddo loo maro nabadda.
Sidoo kale, waxay ku baaqeen in la furo isu socodka diyaaradaha, si loo fududeeyo safarka dadka rayidka ah, gaar ahaan bukaannada u baahan daryeel caafimaad iyo dadka ku xanniban goobaha ay xiisaddu saameysay.
Ugaas Shire ayaa xusay in odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay noqdaan marjaca ugu sarreeya ee xalinta khilaafka, isla markaana ay hoggaamiyaan geeddi-socodka lagu gaarayo doorasho nabdoon oo lagu heshiiyo.
“Waxaan isla go’aansanay in arrimaha taagan, oo ka bilaabanaya arrinta doorashada, in odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed saldhig u noqdaan. Iyaga ayaa ah marjaca Koonfur Galbeed. In iyaga talada loo dhiibo, kana soo talo bixiyaan sida Koonfur Galbeed iyadoo nabad ah doorasho ay ku aadi lahayd. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaan ugu mahadcelinaynaa, inuu nala qaatay in dhaqanka ay gogol dhigaan oo Baydhabo la isugu yimaado,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in marka la gaaro heshiis guud, natiijada lagu wargelin doono dowladda federaalka, si ay u ansixiso uguna taageerto hirgelintiisa.
Odayaasha ayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta Koonfur Galbeed inay hubka dhigaan oo ay khilaafkooda ku xalliyaan wada hadal, halkii ay ka adeegsan lahaayeen rabshado.
Dhanka kale, culimada Soomaaliyeed ayuu ku booriyay inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadeed iyagoo shacabka u duceynaya, isla markaana ku dhiirrigelinaya nabadda.
Ugaas Shire ayaa rajo ka muujiyay in heshiisyada la gaaray ay si dhaqso ah u dhaqan geli doonaan, isagoo tilmaamay in labada dhinac ay ballanqaadeen inay soo saari doonaan qoraallo rasmi ah oo lagu xaqiijinayo go’aannadaas.













