Fariin Hanjabaad ah uu Soo Gudbiyey Madaxweyne Trump oo Sheegaysa in La Duqeyn Doono Xarumaha Korontada Iran Hadii Aan La Furin Marinka Hormuz 48 Saac Gudahood.

0
295

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hanjabaad culus u diray dalka Iiraan, isaga oo sheegay in Maraykanku burburin doono xarumaha waaweyn ee korontada haddii aan si buuxda dib loogu furin marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah.

Trump ayaa qoraal uu ku soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in haddii Iiraan ayna “si buuxda ”u furin marin-biyoodkaas, uu Maraykanku bilaabi doonaan weerarro lagu badhtilmaameedsanayo kaabeyaasha tamarta ee dalkaas, gaar ahaan xarumaha korontada ee ugu waaweyn.

Hanjabaaddan ayaa imanaysa xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, iyadoo xiisaddu gaadhay heer cusub oo khatar ah. Marin-biyoodka Hormuz oo ah midka ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ay isticmaalaan, ayaa hadda ku dhow inuu xidhmo, taasoo saameyn weyn ku yeelatay suuqyada caalamka. Qiyaastii shan-meelood meel (20%) sahayda shidaalka adduunka ayaa mara halkaas.

Xidhitaan ku dhowaad marinkan ayaa sababay in qiimaha gaaska Yurub uu sare u kaco ilaa 35% toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo laga cabsi qabo qalalaase dhaqaale oo caalami ah.

Ciidamada Iiraan, gaar ahaan taliska Khatam al-Anbiya, ayaa ku hanjabay in haddii Maraykanku weeraro kaabeyaasha tamarta, ay iyaguna beegsan doonaan dhammaan xarumaha tamarta, tiknoolajiyadda iyo biyo sifeynta ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee gobolka.

Sidoo kale, Iiraan ayaa weerarro hore ku qaaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla gobolka, oo ay ka mid tahay magaalada warshadaha gaaska ee Ras Laffan ee dalka Qatar, taasoo ah meel laga farsameeyo qayb weyn oo gaaska dabiiciga ah ee dunida.

Dhanka kale, ciidamada Iiraan ayaa markii ugu horreysay adeegsaday gantaallo masaafado dheer gaadhi kara, kuwaas oo la sheegay inay gaadhi karaan ilaa 4,000 km. Wararka ayaa sheegaya in laba gantaal lagu weeraray saldhigyada milatari ee Maraykanka iyo Ingiriiska ay ku leeyihiin Diego Garcia, halka weerarro kale ay ka dhaceen gudaha Israa’iil, kuwaas oo sababay dhaawacyo soo gaadhay dad rayid ah.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Eyal Zamir ayaa sheegay in gantaalladan ayna ku koobnayn Bariga Dhexe oo keliya, balse ay gaadhi karaan caasimadaha Yurub sida Berlin, Paris iyo Rome.