Isbitaal ku Yaal Darfuur oo La Sheegay Weerar Lagu Qaaday in lagu Dilay 64 Qof ayna ku jiraan Caruur iyo Dad Waayeel ah.

0
302

Ugu yaraan 64 qof, oo ay ku jiraan 13 carruur ah, ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, sida uu sheegay madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Agaasimaha WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in weerarku uu habeenkii Jimcaha ka dhacay Isbitaalka Waxbarashada ee Al Deain, oo ku yaalla magaalada Al Deain, caasimadda gobolka Bariga Daarfuur.

Warbixintu waxay sheegtay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen bukaanno, laba kalkaaliye caafimaad oo dumar ah iyo hal dhakhtar, halka 89 kale ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan siddeed shaqaale caafimaad ah.

Weerarka ayaa si weyn u burburiyay qaybaha carruurta, hooyada iyo dhallaanka, iyo qaybta gurmadka degdegga ah ee isbitaalka, taas oo keentay in gebi ahaanba uu shaqadiisa joojiyo, isla markaana ay go’aan adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo ay ku tiirsanaayeen dadka deegaanka.

Tedros ayaa xusay in tirada guud ee dadka ku dhintay weerarrada lagu beegsaday xarumaha caafimaadka tan iyo markii uu qarxay dagaalka Suudaan ay hadda dhaaftay 2,000 oo qof. WHO ayaa xaqiijisay in 2,036 qof lagu dilay 213 weerar oo lagu qaaday xarumo caafimaad muddada ku dhow saddexda sano ee colaadda socotay. Ilaa hadda lama oga cidda ka dambaysay weerarkan.

Dagaalka Suudaan ayaa qarxay badhtamihii bishii Abriil 2023, kadib markii uu isku dhacay ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Rapid Support Forces (RSF). Colaaddan ayaa dhalisay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadamnimo ee ugu ba’an dunida, iyadoo tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, halka in ka badan 12 milyan oo kalena ay guryahoodii ka barakaceen.

Labada dhinac ee dagaallamaya ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, halka RSF si gaar ah loogu eedeeyay falal arxan darro ah oo ka dhacay Daarfuur, kuwaas oo khubarada Qaramada Midoobay ay ku tilmaameen kuwo u eg xasuuq.

Ugu dambayn, Tedros ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isaga oo sheegay in “dhiig badan uu daatay, dhibaato badanna la gaystay,” loona baahan yahay in la ilaaliyo shacabka rayidka ah, shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka bani’aadamnimo.