Duqeymaha Ka Dhanka ah Iran ee Mareykanka iyo Israa’iil oo La Sheegayo in uu ku Dhaawacmay Mujtama Khamene.

0
264

Ilo ka tirsan dowladda Iran iyo saraakiil Israa’iili ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu dhaawacmay maalintii ugu horreysay ee weerarradii ay Iran ku qaadeen Israa’iil iyo Maraykanku dabayaaqadii bishii Febraayo, inkastoo xaaladdiisa caafimaad si buuxda loo faahfaahin, sida ay New York Times sheegtay.

Mojtaba Khamenei, oo 56 jir ah, ayaa saddex maalmood ka hor loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iran, kaddib markii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay xarun hoggaamineed oo ku taalla magaalada Tehran.

Ilo ka tirsan dowladda Iran oo si qarsoodi ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Khamenei uu dhaawac ka soo gaadhay lugaha intii uu socday weerarkii 28-kii Febraayo, balse uu weli miyir qabo isla markaana ku sugan yahay goob ammaankeedu aad u sarreeyo oo xogteeda la xaddiday.

Saraakiil ka tirsan milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in xogaha ay heleen ay muujinayaan in hoggaamiyaha cusub uu dhaawacmay maalintaas, xitaa ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin inuu beddelayo aabbihii.

Tan iyo markii loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Iran, Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah, manuu jeedin wax khudbad ah ama bayaan qoraal ah. Ilo ku dhaw dowlada Iran ayaa sheegay in arrintan ay qayb ka tahay dadaal lagu qarinayo goobta uu joogo si looga ilaaliyo badhtilmaameedyo kale oo suurtagal ah.

Warbaahinta dowladda Iran iyo wakaaladda wararka ee IRNA ayaa marar badan ku tilmaamay hoggaamiyaha cusub “halyeey dagaal oo dhaawacmay,” halka hay’ad samafal oo dowladda xidhiidh la leh ay ugu hambalyeysay xilka cusub iyada oo ugu yeedhay “janbaz jang,” oo af-Faarisi ahaan loola jeedo askari dagaal ku dhaawacmay.

Duqeyntii 28-kii Febraayo ee lagu dilay Ayatollah Cali Khamenei ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhinteen xaaskiisa, mid ka mid ah wiilashiisa iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Iran. Dhanka kale, Israa’iil ayaa sheegtay in cid kasta oo beddesha Ayatollah Cali Khamenei ay noqon karto badhtilmaameed militari. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa qoraal uu baraha bulshada ku daabacay ku sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Iran uu noqon karo “badhtilmaameed suurtagal ah.”

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in aamu ku faraxsanayn in Mojtaba Khamenei uu la wareego hoggaanka Iran, balse muu caddeyn haddii Washington qorsheyneyso tallaabooyin militari oo ka dhan ah.