Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo Sheegtay in Cadowgooda Mareykan iyo Israa’iil ay Duqeeyeen 10,000 Goobood.

0
356

Dowladda Iran ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil ay duqeeyeen ku dhowaad 10,000 goobood oo rayid ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya labada dhinac 11 maalmood ka hor, iyadoo sheegtay in in ka badan 1,300 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarradaasi.

Wararka ka imanaya caasimadda Tehran ayaa sheegay in qaraxyo xooggan ay ruxeen magaalada, iyadoo duqaymo culus ay ka dhacayeen qaybo kala duwan oo dalka ah, sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale cambaaraysay weerar ay sheegtay in Israa’iil ku dishay afar diblomaasi oo Iraniyiin ah magaalada Beirut ee dalka Lubnaan laba maalmood ka hor. Dowladda Tehran ayaa ku tilmaantay weerarkaasi “fal argagixiso”, iyadoo u dirtay warqad Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku dalbanayso in caddaalad la horkeeno cidda ka dambeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in eedeymaha sheegaya in Iran qorshaynaysay weerarro ka dhan ah Maraykanka ama ciidamadiisa ay yihiin “been cad”, isaga oo ku dooday in dagaalka hadda socda uu yahay hawlgal u qorshaysna Israa’iil.

Dhanka kale, militariga Maraykanka ayaa sheegay inay burburiyeen 16 markab oo Iran leedahay kuwaas oo la sheegay in loo adeegsan karay dhigista miinooyinka badda, kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka digay in cawaaqib xun ay ka dhalan doonto haddii la carqaladeeyo marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, oo ah marin ay maraan maraakiibta qaada shidaalka.

Xaaladda gobolka ayaa sidoo kale sii cakirantay, iyadoo Sacuudiga uu sheegay inuu soo riday shan diyaaradood oo nooca daroonta ah oo ku wajahnaa goobta shidaalka ee Shaybah, halka ciidamada IRGC ee Iran ay ku andacoodeen inay gantaallo ku rideen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ee ku yaalla Kuweyt.

Wararka kale ee la xidhiidha colaadda ayaa sheegaya in weerarro ay Israa’iil ka geysatay Lubnaan ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad.