Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dartay ururka Ikhwaan-Muslimiin ee Suudaan liiska kooxaha argagixisada, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada uu maamulka madaxweyne Donald Trump ku ballaashinayo la dagaallanka ururrada ay ku eedeeyaan rabshadaha iyo xagjirnimada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Isniintii sheegtay in ururkan uu taageero ka helo Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), taas oo Washington ku tilmaantay arrin sii xoojinaysa halista amni ee ururkaasi ku leeyahay gobolka.
Maraykanku waxa uu ururka ku daray “liiska ururrada sida gaar ka ah hoosta looga xariiqay (SDGT)” taas oo u oggolaanaysa dowladda Maraykanka in ay saarto cunaqabatayn dhaqaale. Sidoo kale Washington ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda si rasmi ah loogu dari doono liiska “liiska ururrada argagixiso ee shisheeye (FTO)”, taas oo ka dhigaysa sharci-darro in cid ay siiso taageero dhaqaale.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ururka Ikhwaan-Muslimiin ee Suudaan “uu adeegsado rabshado aan xad lahayn oo ka dhan ah dadka rayidka ah, si uu u wiiqo dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo colaadda Suudaan isla markaana uu u horumariyo fikirkiisa Islaamiga ah ee rabshadaha wata.”
Washington ayaa sidoo kale ku eedeysay dagaalyahannada ururkan inay ku lug leeyihiin dilal wadareed loo geystay dad rayid ah intii uu socday dagaalka ka aloosan Suudaan, halkaas oo ciidanka dowladda ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Rapid Support Forces (RSF).
Kooxda RSF iyo taageerayaasheeda ayaa marar badan ku doodday inay la dagaallamayaan xoogag la xidhiidha Ikhwaan-Muslimiinta. RSF lafteeda waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweysay go’aanka Maraykanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UAE ayaa sheegtay in tallaabada Washington ay muujinayso dadaal joogto ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo hawlaha ay ku tilmaantay kuwa xasillooni-darro ka abuuraya Suudaan.
Bishii Jannaayo ee sanadkan, maamulka Trump ayaa hore ugu daray liiska madow ururro la xidhiidha Ikhwaan-Muslimiinta oo ka jira dalalka Lubnaan, Jordan iyo Suudaan, inkasta oo ururradaasi ay si cad u diideen eedeymaha loo jeediyay.













