Dawladda Dalka Iran oo Balanqaaday in Kor u Qaadi Doonto Weerarada ka Dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil Iyadoo beenisay in Hubkoodii La Burburiyey.

0
506

Xiisadda dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran ayaa sii xoogaysanaysa, iyadoo Tehran ay ku hanjabtay inay adeegsan doonto gantaallo aad u awood badan, isla markaana ay diiday wada-hadallo uu soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa beeniyay sheegashada Maraykanka ee ah in la burburiyay barnaamijkooda gantaallada, iyaga oo sheegay in ay hadda hawlgelinayaan gantaallo tiro badan oo wata madaxyada qarxa oo miisaankoodu ka badan yahay hal tan.

Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in Maraykanku uu “ hub 20 jeer ka xoog badan kii hore” ku garaaci doono Iran haddii ay isku daydo inay joojiso maraakiibta shidaalka ee maraya marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sidoo kale sheegay in dagaalku “si dhakhso ah u dhammaan karo”.

Iran ayaa sii wadda weerarro ay ku badhtilmaameedsanayso Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Baxrayn, Kuweyd, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay magaalada Manama ee Baxrayn, halka laba qof ay ku dhinteen badhtamaha Israa’iil kadib weeraro ay Iran qaaday saacadihii u dambeeyay.

Dhanka kale, magaalada Tehran ayaa la sheegay inay la kulantay duqeymo ka mid ah kuwii ugu cuslaa tan iyo markii dagaalku bilowday. Wararka ka imanaya goobta ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday agagaarka Fagaaraha Risalat.

Sidoo kale, Israa’iil iyo ururka Hezbollah ee Lubnaan ayaa sii wada is-weydaarsiga weerarrada, iyadoo tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan ay kor u dhaaftay 486 qof.

Wararka kale ee kasoo baxaya dagaalka ayaa muujinaya in ay jiraan khilaafyo soo ifbaxaya oo u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in la-taliyeyaasha Trump ay u sheegeen madaxweynaha in dagaalku u soconayo si ka duwan sidii ay filayeen, maadaama ay rajaynayeen in Iran si degdeg ah u daciifto.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in la-taliyeyaasha Trump ay ku dhiirrigeliyeen inuu bilaabo hadallo ku saabsan “in guul laga gaadhay Iran” si loogu helo waddo looga baxo dagaalka, arrintan ayaa la sheegay in Israa’iil oo doonaysa in cadaadiska militari la sii kordhiyo ayna soo dhawayn.