Gantaal ballistik ah oo laga soo tuuray dalka Iran kuna sii jeeday Turkiga ayaa la soo riday ka hor inta aanu gaadhin badhtilmaameedkiisa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga. Sida lagu daabacay warbixin ay qortay TRT World, nidaamyada difaaca hawada ee xulafada NATO ayaa gantaalka qabtay oo burburiyay isaga oo maraya hawada bariga Mediterranean-ka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in gantaalka la ogaaday xilli hore, isla markaana si degdeg ah ay uga falceliyeen nidaamyada difaaca hawada ee NATO. Qaybo ka mid ah gantaalka ayaa ku dhacay degmada Sahinbey ee gobolka Gaziantep ee koonfur-bari Turkiga, hase yeeshee lama soo sheegin wax khasaare naf ama dhaawac ah.
Madaxa Isgaadhsiinta ee Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa sheegay in gantaalka waqti lagu qabtay oo loo burburiyay ka hor inta aanu gelin dhulka Turkiga. Wuxuu xusay in hay’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga, ay si dhow ula socdeen dhacdada isla markaana la dhaqan geliyay dhammaan tallaabooyinka amni iyo difaac ee lagama maarmaanka ah.
Duran ayaa sidoo kale ka digay in xiisadaha gobolka ay sii kordhaan, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada — gaar ahaan Iran — inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta xasilloonida gobolka ama nolosha dadka rayidka ah.
Dhacdadan ayaa imanaysa toddobaad kadib markii gantaal kale oo laga soo tuuray Iran uu galay hawada Turkiga, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in colaadda sii ballaadhanaysa ee Bariga Dhexe ay gaadho dhulka dalalka xubnaha ka ah NATO.













