Lataliyaha Amniga Madaxweyne Deni oo Sheegay in Hubku Si Sharcidaro ah uu ku Soo Galo Puntland.

0
311

La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in hubka sharci-darrada ah uu si sahlan ku soo galo gudaha Puntland, isla markaana ay jiraan ganacsato si gaar ah uga shaqeeya soo gelinta hubkaas, kuwaas oo awood u leh inay si degdeg ah u keenaan noocyo kala duwan oo hub ah marka lacag la helo.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa tilmaamay in xitaa qof aan hadda hub wadan karin uu awood u leeyahay inuu isla markiiba helo hub cusub, kaas oo laga soo dejiyo xeebaha ama meelo kale oo dalka ka mid ah.

La taliyaha madaxweynaha Puntland ayaa sheegay qulqulka hubka sharci darrada ah in lagu xakamayn karo, iyadoo guud ahaan la mamnuuco hubka sharci darrada ah iyo sidoo kale in la hirgeliyo sharci adag oo mamnuucayo soo dajinta hubka, islamarkaasna tallaabo adag laga qaado cid kaste oo hub soo galisa Puntland, laga lana wareego hubkaas.

“Hub kasta oo aan dawladdu lahayn waa sharci-darro. Haddii la soo dejiyo waa in la qabtaa, cidda lagu helana maxkamad waa in la horgeeyaa, hubkana laga qaadaa,” ayuu yiri Qarjab, isaga oo carrabka ku adkeeyay in sharciyo hore loo dejiya,y balse caqabadda ugu weyn ay tahay fulintooda.

La-taliyaha Amniga Madaxweynaha ayaa ka digay in sharci aan si dhab ah loo fulin uu noqonayo hadal uun, wuxuuna ku baaqay in la helo hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xakameeyo hubka sharci-darrada ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta guud ee Puntland.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Puntland ka jiraan eedeymo la xiriira siyaasiyiin iyo ganacsato lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin soo dejinta hubka fudud iyo kan culus, kuwaas oo inta badan laga soo iibsado dalka Yemen, oo ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu kala iibsado hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay warbixinno ay hore u soo saareen Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore liiska cunaqabataynta ugu daray shakhsiyaad reer Puntland ah oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin ganacsiga hubka sharci-darrada ah, hubkaas oo la sheegay in qeyb ka mid ah uu gacanta u galo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.